Deg deg: Rishi Kapoor oo geeriyooday asigoo 67-jir ah!

0
1105

Deg deg: Rishi Kapoor oo geeriyooday asigoo 67-jir ah!

Bollywod Superstar Rishi Kapoor ayaa geeriyooday asigoo 67-jir ah sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen wuxuuna ku geeriyooda isbitaal ku yaalo magaalada Mumbai.

Rishi Kapoor ayaa halgan kula jiray xanuunka kansarka oo asiibay wuxuuna sanadkii hore gaar ahaan bishii September kusoo laabtay gudaha Hindiya asigoo xanuunkii haayay dalka Mareekanka looga soo daaweeyay balse dhawaanahan ayuu kusoo laabtay oo xaalkiisa ma wanaagsaneyn.

Rishi Kapoor asigoo gurigiisa joogo ayaa neefta dhibtay kadibna isbitaal loola cararay waxayna qoyskiisa haatan xaqiijiyeen inuu u geeriyooday kansarkii dhawaanahan dhibaatada ku haayay ee shaqadiisa u diiday.

Halyeegan waxaa lagu xasuusan doonaa sanadii 1973 inuu kusoo caan baxay filimkii Bobby ee Dimple Kapadia la sameesay kaasi oo Blockbuster taariikhi ah noqday inkastoo sanadii 1970 uu sidoo kale kasoo muuqday filimkii Mera Naam Joker ee aabihiis Raj Kapoor hogaamiye ka ahaa.

Sidoo kale waxaa lagu xasuusan doonaa aabihii jaceylka inuu ahaa asigoo sameen jiray filimada jaceylka arimaha qoyska ka hadlaan 80-maadkii iyo 90-maadkii. Sidoo kale Rishi wuxuu sanadii 1980 guursaday Neetu Singh oo aflaan badan la sameesay wuxuuna haatan ifka kaga tagay wiil iyo gabbar weliba wiilkiisa Ranbir Kapoor waa xidig caan ah oo laga dambeeyo.

Waxay ka dhigan tahay 24-saac gudaheeda Bollywood-ka labo atoore oo caan ah ayaa geeriyoodeen Irrfan Khan iyo Rishi Kapoor oo labaduba xanuunka kansarka geeridooda sabab u noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here