Coronavirus Oo Huriyey Tartanka Zoom Iyo Skype Iyo Faa’iidada Uu Mid Kastaa Leeyahay Oo Laga Warramay

0
468

Coronavirus Oo Huriyey Tartanka Zoom Iyo Skype Iyo Faa’iidada Uu Mid Kastaa Leeyahay Oo Laga Warramay

Markii uu Coronavirus qasab ka dhigay in malaayiin dadka adduunka ka mid ahi ay guryahooda ku sugnaadaan, waxaa soo baxay baahi loo qabo suurtagelinta in noloshu aanay ku istaagin joogista guriga. Shaqadii xafiisyada ee kulamadu lagama maarmaanka u ahaayeen, iyo dugsiyadii ardaydu wax ka baranaysayba waxaa ka soo baxday baahi ah in la helo hab ay dadku ku kulmi karaan iyaga oo aan haddana jebin xeerka ‘Coronavirus’ ee dhigaya in aan la isu dhowaan iyo in dad badani aanay meel isugu iman.

Arrrintani waxa ay aad u kordhisay isticmaalka adeegyada ‘Zoom’ iyo ‘Skype’ oo suurtagelinaya in maqal iyo muuqaal lagu xidhiidho. Dabcan Skype waxa uu ahaa adeeg ay samayso shirkadda Microsoft oo soo jiray muddo dheer oo xitaa ka horreysay faafiddii taleefannada casriga ah. Laakiin dhowaan waxa uu ku sigtay in uu si fudud suuqa uga baxo, kaddib markii Zoom ay suurtagelisay in si fudud oo aad u heersarraysa shirar wadaag ah loo yeesho, ama fasallada waxbarashadu u socdaan. Arrintan ayaa sababtay ‘Skype’ si uu jiritaankiisa u badbaadiyo, in uu bilaabo adeeg cusub oo lagu magacaabo ‘Meet Now’. Kaas oo suurtagelinaya in lacag la’aan lagu abuuro ama lagaga qaybgalo kulamo, iyada oo aanu xitaa qofka martigelinta samaynayaa u baahanayn in uu soo dejisto barnaamijka Skype, balse si toos ah uga gelayo bogga internet ka, isaga oo isticmaalaya linkiga fudud ama taabanaya batamka wadaagsta. Kaas oo marka la taabto haddii qofka loo baaqayaa uu leeyahay Skype ugu jira kombiyuutarka ama taleefanka uu markiiba furmayo si uu ula xidhiidho, haddii aanu ugu jirin balse uu isticmaalayo ‘Google Chrome’ ama Edge iyadana si fudud uga furan karo Extension ka.

Inkasta oo Zoom lagu ogaaday in uu leeyahay ceebo dhinaca haynta sirta ah, maadaama oo uu xogta qofka uga faa’iidaysto ujeedooyin ganacsi, haddana tallaabada Skype qaaday waxa ay sababtay in uu isaguna dhankiisa kor u qaado dadaalalda horumarinta adeegyada kulan ee uu bixiyo, waxa aanu soo kordhiyey si uu u sii hayo macaamiishiisa oo badankooda uu ka soo jiitay Skype.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here