Feysal Cali Waraabe: “Waxaan hayaa Xog qarsoon oo la xiriirta kulankii Biixi & Farmaajo”

0
431

Feysal Cali Waraabe: “Waxaan hayaa Xog qarsoon oo la xiriirta kulankii Biixi & Farmaajo”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay khudbadii uu Madaxweyne Biixi ka hor jeediyay Baarlamanka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in diidmada Biixi ee safarka Farmaajo ku iman lahaa Hargeysa ay timid kadib markii uu arkay iney ku kaceen shacabka Somaliland.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi waxay Addis ababa ku gaareen heshiis hoose, kaasoo horseeday in Raisul wasaare Abiy Ahmed uu ku dhiirado iney Farmaajo isku soo raacaan Somaliland, Diidmada Muuse Biixi ku diiday imaanshaha Farmaajo, waa mid ay ku kalifeen shacabka reer Somaliland, go’aankiisu markii hore sidaas waa ka badalnaa” ayuu yiri Waraabe.

Waxaa uu intaas ku daray inuu hayo Xogo qarsoon oo la xiriira kulankii Madxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku dhex-maray magaalada Addis-Ababa inkastoo uusaan sheegin.

Muuse Biixi oo maanta khudbadii sanadlaha aheyd ee Dastuuriga ka jeedinayey labada gole ee baarlamanka Somaliland ayaa soo dhoweeyey raali geli gelinta farmaajo ka bixiyey dhibaatadii 30 sano ka hor loo geystay shacabka gobolada Woqooyi, balse waxaa uu xusay inuusan marnaba ogolaaneyn inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here