Waa maxay  U jeedada Wafdi Ka Socda Itoobiya ee soo gaaray Hargeysa?

0
504

Waa maxay  U jeedada Wafdi Ka Socda Itoobiya ee soo gaaray Hargeysa?

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Itoobiya, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Itoobiya Axmed Shidde, xubno oo ka tirsan Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed iyo Mas’uuliyiin kale.

Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaan in wafdigan uu hogaaminayo Axmed Shidde ay kulan qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Sidoo kale Wafdigan ayaa la sheegayaa in Muuse Biixi Cabdi ay kala hadli doonaan Arrimo ku aadan kulankii dhawaan Addis Ababa ku dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalka wafdiga ka socda Itoobiya ee Hargeysa ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in marnaba uusan aqbaleyn in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeysa xili ay soo baxayeen warar sheegaya in Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo tagayaan Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here