Madaxweynaha Puntland oo xilalkii ka qaaday taliyaashii ciidamada Badda Puntland

0
429

Madaxweynaha Puntland oo xilalkii ka qaaday taliyaashii ciidamada Badda Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid deni ayaa xilalkii ka qaaday taliyaashii iyo agaasimayaasha ciidamada badda Puntland.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed.

Sidoo kale waxaa xilka ka qaadis lagu sameeyey Taliyihii iyo Taliye ku-xigeenadii ciidanka PMPF, Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax, Admiral Maxamuud Siciid Ciise iyo Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf. Waxaana la magacaabay Afar Taliye oo cusub.

G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF

G/dhexe Xabiib Faarax Xassan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.

G/dhexe Baarri Salaad Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF.

G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF.

Taliyeyaashii xilalka laga qaaday ayaa loo bedelay Taliska Guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF).

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax
1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise
1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf

2. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF

3. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF

4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF

5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.

6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF

7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here