Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawacyada Shaqaalaha Turkiga ee qaraxii Wadada Afgooye

0
494

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawacyada Shaqaalaha Turkiga ee qaraxii Wadada Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer, halkaasoo ay ku jiraan qaar ka mid dadkii ku dhaawacymau qaraxii ka dhacay duleedka Afgooye.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa uu warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka ee la socda xaalada dhaawacyada, waxaana shaqaalaha Turkiga ee qaraxaas ku dhaawacmay ay gaarayaan afar shaqaale oo ahaa engineerada dhisayay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa 10 ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo lix ka mid ah ay ahaayeen Ciidamo Boolis ah, halka afarta kale ay ahaayeen Shaqaalaha Turkiga.

Qaraxaas oo ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala bartilmaameedsaday goob ku dhow Koontaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen Shaqaalaha Turkiga iyo Ciidamo Ilaalo u ahaa.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Shaqaalaha Turkiga ee dhisaya Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay ku beegsanayeen qaraxyo miino wadada la geliyay iyo qaraxyo baabuur lagu soo raray, kaasoo kii ugu khasaaraha badnaa uu dhacay 28 bishii December ee sanadkii hore 2019, waxaana ku dhintay 2 Engineer Turki ah iyo tiro ka badan 60 ruux oo shacab Soomaaliyeed ahaa oo marayay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here