Barnaamijka ‘WhatsApp’ ayaa ku qasbidoona macaamiisha inay iibsadaan taleefanno cusub

0
468

Barnaamijka ‘WhatsApp’ ayaa ku qasbidoona macaamiisha inay iibsadaan taleefanno cusub

Malaayiin isticmaaleyaasha Allada WhatsApp ayaa ku qasbanaan doona inay iibsadaan taleefano Maskaxda leh ee casriga ah oo la jan qaadi gara Alladda WhatsApp ee Cusub ee la soo wado, Waa haddii ay rabaan inay sii wadaan adeegsiga barnaamijka farriin diraaha iyo maqalka ee bilaashka ah ee WhatsApp.

Laga bilaabo bilowga bisha soo socota ee Febraayo, Aalado kala duwan oo ku shaqeynaya Barnaamijka iOS iyo Android ayaana la jaan qadi doonin ama la shaqeyndooni Alladda WhatsAppka – taasoo ka dhigeysa in qaarkood ay uu baahandoonan Dib uu Casriyeen ama wax afka qalaad lagu yirahdo(Upgrade).

Alladan WhatsAppka Waxaa iska leh Shirkadda Qabilsan warbaahinta bulshada Ee Facebook, WhatsApp ayaa waxa uu u digaya dadka isticmaala Fariin diraah Bilaashka ah in uu soo wadaan isbeddel dhanka ay ku sameynayaan Alladooda , kaas oo socday muddo bilooyin ah, laakiin waxaay Maanta ugu dambeyntii la xaqiijiyay inay si rasmi ah u dhaqan gali doonaan isbadalka soo socda ee dhanka WhatsAppka 1-da Febraayo 2020.

Habkan cusub wuxuu macnihiisu yahay in iPhones ku shaqeynaya Barnaamijka ka hooseyaa iOS 7 ineysan mar dambe la jaan qaadi doonin barnaamijka WhatsApp, isla sidoo kale adeegsadayaasha Samsung ee wata aaladaha barnaamijkiisu ka hooseyo Android 2.3.7 ayaan la shaqeyn doonin bisha Febraayo Allada WhatsAppka Soo socda.

Tirakoob ay Google sameysay ayaa muujinaya in dad badan ay adeegssanayaan Alladaha Maskaxda leh iyo taleefannadooda oo ay wali ay ku isticmaalan Barnaamijyo gaboobey, Taas oo qiyaastii mujineysa in ay yihiin illaa 7.5 milyan oo aaladood ay tahay in dib uu casriyeen lagu sameeyo sii ay uu sii isticmaalan WhatsApp.

In kasta oo ay umuuqato inay tahay go’aan xad dhaaf ah oo ku xadgubaya kuwa inaga mid ah oo ku qanacsan isticmaalka Allada ay haystan ee Barnaamijkoodu uu yahay Duug, shirkadaha sida Facebook iyo WhatsApp waxay joogaan heer ay tahay mid aan suurtoobi karin in barnaamijkooda whatsApp uu la shaqeyo Alladaha Barnaamijka duuga ah wali isticmaala kuwaas oo Barnaamijyadda kala duwaan ay ku shaqeeyan Foogaal Maqalka iyo araguba.

Iyaaga oo sharraxaya sababaha ka dambeeya go’aan Qadashadda Cusub, WhatsApp waxaay yirahdeen:

“Anaga oo fiirinayno hiigsiga toddobada sano ee soo socota, waxaan dooneynaa inaan diirada saarno dadaalladayada Alladaha Foogal Maqalka (mobile platforms) oo ay inta badan ay dadku adeegsadaan.
“In kasta oo aaladaha Fogaal Maqalka iyo Araga ay qayb muhiim ah ka ahaayeen mashruuceen dib uu habeynta ee Alladeen whatsapp in ay la shaqeyso, hadaba ma la jan qaadi karo Barnaamijka aynu soo wadno ee aynu u baahanahay si aannu mustaqbalka ugu ballaarino astaamaha barnaamijkeenna soo socda uu yelaanaayo.

“Tani waxaay aheyd go’aan aad uu adag oo aan qaadan lahayn, laakiin marka la eego midka saxda ah ee go’aan qadashadeena waa si aan dadka u siino Allad amaan ah oo wanaagsan oo ay kula xiriiraan asxaabtooda, qoyskooda, iyo kuwa ay aad u jecelyihiin iyaagoo adeegsanaya WhatsApp barnamijkiisa cusub.

“Haddii aad isticmaasho mid ka mid ah Aaladahaan Maskaxda leh ee saameynta ku yeelan doonao Barnamijkan, waxaan kugula talineynaa inaad cusbooneysiiso Barnaamijka Android, Barnamijka iPhone ama kan Windows Phone-Ka si aad u sii wadato isticmaalka WhatsApp.”

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here