Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay shir wadatashi ah oo looga hadlo xaalada cakiran ee dalka

0
402

Puntland iyo Jubbaland oo ku baaqay shir wadatashi ah oo looga hadlo xaalada cakiran ee dalka

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa laga soo saarau shir wada tashi ah oo u dhaxeeyay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Boosaaso.

Shirarkan ayaa waxaa kala hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

War murtiyeedka ka soo baxay labada dowlad goboleed ayaa lagu sheegay inay iska kaashanayaan iskaashiga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada amniga, la dagaalanka argagixisada iyo wadaagida khibradaha maamul si loo tayeeyo hey’adaha dowliga.

Waxaa ay cambaareeyeen in dowladda Federaalka ay siyaasadeyso mashaariicda horumarinta ah iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa ay si wadajir ah ugu baaqeen dowladda Federaalka inay joojiso faragelinta ay ku heyso dowlad goboleedyada iyo inay si deyso Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Waxaa labada maamul ay ugu baaqeen dowladda Federaalka in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si looga hadlo arrimaja cakiran ee dalka

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here