Taliyaha Guud Ee Ciidanka Kenya Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somalia

0
616

Taliyaha Guud Ee Ciidanka Kenya Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somalia

Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca Kenya Janaraal Samson Mwathethe ayaa dalka Soomaaliya ku yimid safar qarsoodi ah, isagoona booqasho ku tegay degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Jenaraal Samson Mwathethe ayaa shalay booqday degmada Badhaadhe oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Samson Mwathethe ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ugu hambalyeeyay sanadka Cusub ee 2020-ka oo maalmo kooban naga xigaan.

Isaga oo la hadlaayay Ciidanka Kenya ayuu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya oo weeraro culus ay ka geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca Kenya ayaa shaaciyay in Ciidankooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay la kulmeen weerar xoogan, kuwaasi oo kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay Ciidanka Kenya Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weli ma jiro wax war ah ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlaayan Safarkan qarsoodida ah ee uu dalka ku yimid Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca Kenya Janaraal Samson Mwathethe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here