Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaari Ku Rogmaday Duleedka Hargeysa

0
617

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaari Ku Rogmaday Duleedka Hargeysa

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Shil khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii gaari nooca raaxada ah uu rogmaday xili uu marayay deegaan lagu magacaabo isha Gobka oo ku yaalla duleedka Hargeysa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga xiliga uu rogmanayay uu ku socday xawaare sare, isla markaana uu siday Qaad, hayeeshee mar qura uu laamiga ka baxay, sidaasina uu ku rogmaday.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday halkaas, halka laba qof kalena oo la socday gaariga uu soo gaaray dhaawac, waxaana loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Hargeysa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo gaari sida qaad uu sidaan oo kale ugu rogmado duleedka Hargeysa, waxaana inta badan arrintaas loo sababeyaa Darawalada oo gaadiidka si xawaare ah sare ah u wada iyo Waddooyinka oo ah kuwo burbursan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here