Booliska Soomaaliya Oo Maanta Xusaya Sanad-Guuradii 76-Aad

0
572

Booliska Soomaaliya Oo Maanta Xusaya Sanad-Guuradii 76-Aad

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Munaasabada Sanad-guurada 76aad ee aas aaska Ciidanka Booliska oo ku beegan Maanta .

Munaasabadan lagu xusayo aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa Booliska ugu hambalyeeyay Munaasabada Sanad-guurada 76aad ee aas aaska Ciidanka Booliska oo Maanta oo kale loo asteeyay inay noqoto.

Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa shalay waxaa lagu qabtay Munaasabado loogu dabaaldagayo aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyadoona Maanta Magaalooyin kale lagu qaban doono.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka ayaa saakay xiray inta badan Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, waxaana dadka ay yihiin kuwo lugeynaya Waddooyinka.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan, hayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here