Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

0
516

Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci ayaa maanta booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo amnigiisa si aad ah loo adkeeyay, intii ay socotay howsha soo dhoweyntiisa.

Sida wararku sheegayaa Taliyaha Sirdoonka Nigeria Axmed Abuubakar Rufaaci iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu dhex maray kulan gaar ah, iyagoo uga hadlay iskaashiga labada hey’adood iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha la xiriira dhanka la dagaalanka Argagixisada.

Qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya(NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhex marta labada Hay’adood ee labada dal”

Kulanka labada Taliye kaddib ayaa waxaa caawa kulan casho soo dhoweyn ah loogu sameeyay Xarunta dhexe ee NISA, iyadoo Taliyaha Sirdoonka Nigeria caawa ku hoyanayo magaalada Muqdisho.

Nigeria ayaa tobanaankii sano ee u dambeeyay dagaalo kula jirtay Kooxo Xagjir Islaami ah oo lagu magacaabo Boko Haram, taasoo horay Mareykanka ugu daray Liiska Argagixisada, kooxdaas ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka geysatay Nigeria iyo dalalka deriska la ah.

Bishii hore September ayay aheyd markii booqasho ku yimid Muqdisho Taliyaha Sirdoonka dalka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa booqasho hoose ku imaanayay Muqdisho Sirdoonada qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasoo muujineysa inuu dib u soo laabtay muuqaalkii ay laheyd Hey’adda, kaddib is bedeladii laga sameeyay Hey’adda NISA, isla markaana uu dib u soo laabtay xiriirkii arrimaha dibadda ee Sirdoonada Caalamka, waxaana jiray safaro uu Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ku tagay dalal dhowr ah oo dibadda ah.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa Muqdisho yimid wafuud ka socday Sirdoonada dalalka Jabuuti, Qatar, Itoobiya, iyo Suudaan, iyagoo la is weydaarsanayo khibradaha amni ee dalalkaas u leeyihiin dhanka la dagaalanka Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here