Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Puntland

0
521

Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Deni ayaa xilkan u magacaabay, Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte) oo horay u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulkaasi.

Wareegtada oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo uu Jeyte uu magacaabay xilkaasi.

Sidoo kale saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa la faray in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here