Caleemo Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Oo Dib U Dhacay + Wararkii Ugu Danbeeyey

0
619

Caleemo Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Oo Dib U Dhacay + Wararkii Ugu Danbeeyey

Kismaayo (Dalmar-News):- Kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa culeys badan saartay Jubbaland, lana joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo, wararka soo baxayo ayaa sheegayo in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

26 Bishaan ayaa lagu ballansanaa in Caleema saarka Madaxweynha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaadhka ah ee Maamulkaas.

Waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd Xafladda sida uu go’aan ku gaadhay guddiga qaban qaabada Caleema saarka.

Illaa hadda ma jirto waqti rasmi ah oo loo qabtay inay dhacdo Xafladda, wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in laga yaabo inay Xafladda u dhacdo Bisha soo socoto.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin magaalaada Kismaayo.

Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

Waxaa weli taagan doodii ka dhalatay xayiraadii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed oo loo diiday inuu u safro Magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka, waxayna dhaleeceyn badan kala kulmeysaa xisbiyada mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka soo hoggaamin jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here