Ciidanka Kacaanka Iiraan oo gacanta ku dhigay markab Shidaal

0
420

Ciidanka Kacaanka Iiraan oo gacanta ku dhigay markab Shidaal

Ciidamada Ilaalada kacaanka Iiraan ayaa ayaa gacanta ku dhigay markab ay ku eedeeyeen in uu si xad-gudub ah shidaal uga qaadayay Iiraan kaasi oo ay saarnaayeen 12 badmaaxayaal.

Tv-ga Iiraan ma uusan cadeyn markabkaan iyo dalka laga leeyahay balse waxaa la sheegay in ay saaran yihiin malaayiin liitar oo shidaal ah oo kooxo burcad ah oo u dhashay Iiraan ay doonayeen in ay ka Iibiyaan wadamo ku yaal Dibada

Arintaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii wasaarada Arimaha dibeda ay sheegtay in ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ay caawiyeen dooni mareysay xeebaha dalkaasi kadib qeylo dhaan kaga Timid.

Doonida maanta gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in ay la mid aheyd doonidii shalay ciidanka Badbaadiyeen.

Dhanka kale qabarkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo la la’yahay halka uu jaan iyo cirib dhigay markab uu ka babanayay calanka Panamanian kaasi oo marayay gacan biyoodka Hormuz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here