Liverpool oo markii 6aad ku guuleysatay Koobka Champions League ee sanadkan 2019

0
622

Maxaa Sababay In Liverpool markii 6aad ku guuleysatay Koobka Champions League ee sanadkan 2019

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa markii 6aad ku guuleysatay Koobka Horyaalada Qaaradda Yurub ee UEFA Champions League, kaddib markii ciyaartii kama dambeysta ee Finalka ay 2-0 uga adkaatay Kooxda Tottenham.

Liverpool ayaa aheyd kooxda loo saadaalinayay koobkan, kaddib markii is aragii labaad ee Sema Finalka ay si cajiib leh uga soo badisay Kooxda Barcelona oo ay gurigeeda ugu adkaatay 4-0.

Daqiiqadii u horeysay ciyaarta ayaa waxaa Liverpool waxaa Rigoore u dhaliyay Ciyaaryahan Salah, kaddib markii kubad uu Mane tuuray ay gacanta uga dhacday ciyaaryahan Mousa Sissoko oo u ciyaara Tottenham, isagoo ku jiray xerada ganaaxa.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku hoggaamineysay Liverpool, waxaana jiray fursado dhif ahaa oo labada koox heleen, balse Tottenham ayaa ku gacan sareysay maamulka ciyaarta iyo kubad heysashada.

Ciyaartoyda Tottenham ayaa qeybtii labaad la soo baxay wacdaro, iyagoo helay fursado goolal loo fisho, balse Goolhayaha Liverpool Allisson Becker ayaa badbaadiyay kubado halis ahaa.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Liverpool heshay goolkii labaad, kaasoo uu dhaliyay ciyaaryahan Divock Origi oo bedel ku soo galay, waxaana uu ahaa ninka quusiyay Barcelona ciyaartii Sema Finalka aheyd.

Ugu dambeyn garsooraha ciyaarta leylinaya oo u dhashay Slovenia ayaa ku dhawaaqay seeriga, iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 2-0 oo ay Liverpool ku badisay, kuna qaaday Koobkii Champions League oo ay ugu dambeysay sanadkii 2005-tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here