Madaxweyne Farmaajo oo Safar aan horay loo sii shaacin ku gaaray Addis Ababa+SAWIRO

0
817

Madaxweyne Farmaajo oo Safar aan horay loo sii shaacin ku gaaray Addis Ababa+SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo & Wafdigiisa ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa ka dagay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Dalka Itoobiya ayaanan horay loo sii shaacin, balse tagitaankiisa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay inuu ka shaqeynaayo xalinta Khilaafka Somaliya & Kenya.

War kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa uu ka qayb qaatay dhir lagu beerayay gudaha dhismaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xasilloonida, ammaanka iyo wada shaqeynta Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here