Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo U Ambabaxay Dalka Qatar

0
651

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo U Ambabaxay Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,isagoo kusii jeeda dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here