Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Wacad Ku Maray Inuu Sii Wadayo Deegaameynta Daanta Galbeed

0
542

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Wacad Ku Maray Inuu Sii Wadayo Deegaameynta Daanta Galbeed

Raisal Wasaaraha Israa’iil Benjaamiin Nataniyahu ayaa wacad ku maray haddii markale la doorto inuu deegaanno kale oo ay Yuhuuddu leedahay uu ka dhisayo dhulka Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

Dadweynaha Israa’iil aya Talaadada u dareeraya cod bixinta doorashada waxaana Mr Netanayahu tartan adag kula jira xisbiyo ay siyaasaddoodu tahay gacanta midig oo taageersan qayba ka mid ah daanta galbeed in deegaanno laga dhiso.

Deegaameynta ay Israa’iil sameeyneyso ayaa sharci darra ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah balse Israa’iil waa ay khilaafsan tahay taa iyada sheegato iney sharci ku socoto.

Bishii hore wuxuu Mareykanku sheegay in la gaaray xilligi Israa’iil loo aqoonsan laha Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii iney Israa’iil leedahay.

Israa’iil deegaammo ay ka dhistay Daanta Galbeed waxaa deggan 400,000 oo Yahuud ah, halka Bariga Quddusna ay deggan yihiin 200,000. Daanta Galbeed waxaa ku nool Falastiiniyiin gaaraya 2.5 Milyan.

Falastiiniyiinta ayaa doonaya iney dowlad ka sameeystaan dhulalka ay Israa’iil xoogga ku haysata ee Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza.

Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin muxuu inta badan salka ugu hayaa deegaannada ay Israa’iil dhiseyso. Falastiiniyiinta ayaa waxay aaminsan yihiin inta ay Israa’iil dhulka ay xoogga ku haysato ay ka waddo deegaanno iney ka dhisto iney suuragaleyn Dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin iney dhisanto.

Israa’iil waxay sheegtaa Falastiiniyiintu iney arrimaha deegaameynta ay wax walba ka horreysiiyaan taasoo caqabad ku noqotay in wadahadallo toos ah la galo.

Muxuu yiri Netanyaahuu?

Raisal Wasaaraha Israa’iil Benjaamiin Nataniyahu oo wareysi la yeeshay Israa’iil TV ayaa sheegay sababta qaranimada Israa’iil ay u sii xoojin la’dahay deegaammada ballaadhan ee ay Israa’iil ka fuliso Daanta Galbeed.

“Waxaad i weydiiseen inaan tallaabbada xigta u gudbeyno iyo inkale, su’aashaa jawaabteedu waa haa, waxaan u gudbi doonnaa tallaabbada xigta” ayuu ku jawaabay.

NetanyaahuuLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMr Netanyaahuu oo doonaya in markale la doorto

Wuxuna intaa raaciyey “inuu sii adkeynayo qaranimada Israa’iil, ayna u kala soocneen deegaannada Yuhuudda deggan tahay iyo deegaannada kala go’an”.

Afhayeenka hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “Tallaabba kasta oo la qaado iyo wax kasta oo la shaaciyo iney xaqiiqda waxba ka beddeleyn. Deegaannadana waa sharci darro waxaana loo baahan yahay in la burburiyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here