Dibadbaxyo hor leh oo markale dib uga bilowday dalka Sudan

0
826

Dibadbaxyo hor leh oo markale dib uga bilowday dalka Sudan

Dibadbaxyaal hor leh oo cusub ayaa markii ugu horeysay isugu tagay xarunta milatariga qaranka ee caasimada Khartuum.

Mudaaharaadayasha ayaa kusoo beegay dibadbaxan xuska sanad guuradii 34 ee kasoo wareegatay inqilaabkii lagu tuuray madaxweyne Jacfar al-Nimeri.

Dibadbayadan oo soconayay dhowr bilood ayaa markii hore ka dhashay sare u kac ku yimid qiimaha maciishada.

Barayaasha Jaamacaddaha Sudan oo dalbaday dibadbaxyo dheeraad ah oo ka dhan ah dowladda

Iyaga oo ku dhawaaqayay ciidamada iyo shacabku waa mid ayaa dibad baxayaashu waxaa ay ugu baaqeen ciidamada Miltariga dalka Sudaan in ay ku soo biiraan olalalha ka dhanka ah madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel u dhow xaruunta Ciidamada ayaa sheegay in askarta qaarkood aysan ka hor tagin dibad baxayada,hasa yeshee ciidamada ayaa dibaxyo ka dhacay deegaano kale u adeegsaday bannaan baxayaasha gaaska dadka ka ilmeysiiya iyaga oo qaarna xir xiray.

Waxaa la rumeysanyahay in mudaharaadyadaan ay yihiin kuwii ugu waaweynaa tan iyo markii dalkaasi Sudan bannaanbaxyadu ka bilowdeen Bisihii Deceembar

Balse ugu yaraan Al-Bashiir ayaa wali u muuqda mid ku adkeesanaya go’aanka ah in la xakameeyo dibad baxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here