Daawo: Taliska Booliska oo shaaciyay in Keydkii ugu weynaa Hubka Al-Shabaab lagu qabtay duleedka Muqdisho

0
598

Daawo: Taliska Booliska oo shaaciyay in Keydkii ugu weynaa Hubka Al-Shabaab lagu qabtay duleedka Muqdisho

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hub ay laheyd Al-Shabaab oo lagu qabto duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena lagu soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaana aanay ku ekaan doonin magaalada Muqdisho oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here