Hogaamiyaha dowlada Liibiya oo ka hadlay duulaanka lagu soo qaaday Tripoli

0
715

Hogaamiyaha dowlada Liibiya oo ka hadlay duulaanka lagu soo qaaday Tripoli

Hogaamiyaha dowlada Liibiya oo taageerada ka heleysa qaramada midoobay ayaa qiyaano ku eedeeyay Janaraal Khalifa Haftar kadib markii uu bilaabay duulaan uu ku doonayo in uu ku qabsado magaalada Tripoli.

Khudbad uu ka Jeediyay Tv-ga ayuu Fayez al-Sarraj,ku sheegay in in ciidanka loogu magac daray milatariga qaranka oo uu hogaamiyo Haftar ay la kulmi doonaan cawaaqib adag oo kaga yimaada ciidanka amniga iyo kuwa nabad ilaaliye yaasha ee ka socda Qaramada Midoobay.

Waxaan u dheereynay gacanteena si nabad ah,balse markii uu ka dhega adeegay waxaa uu ku dhawaaqay dagaal waxaana duulaan ku soo qaaday magaalooyin-ka iyo caasimada ciidan uu hogaamiyo Haftar.

Sarraj ayaa intaa raaciyay in ay iska difaaci doonaan gardaro kasta ayna iska caabiyeen malaashiyaadka duulaanka ku ahaa caasimada.

Haftar iyo Sarraj ayaa kulan ku yeeshay dabayaaqadii bishii febraayo Imaaraadka carabta waxaana ay ku heshiiyeen in lagama maarmaan ay tahay doorasho guud oo ka dhacda Liibiya,sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here