Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

0
781

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo tacsi u direy qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu diley weerarka lagu qaaday Xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxyaddaasi uga tacsiyeeyay, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo qaadi doono.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa falka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho si dhaqso ah uga hadlay marka loo fiiriyo weeraradii hore uga dhici jirey caasimada dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoraal uu ugaga hadlayo weerarkii maanta ee ka dhacay Muqdisho kusoo qoray Bartiisa Facebook.

Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here