Dad ku dhintay qaraxyo xoogan oo ka dhacay dalka Afghanistaan

0
675

Dad ku dhintay qaraxyo xoogan oo ka dhacay dalka Afghanistaan

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay qaraxyo xoogan oo ka dhacay garoon lagu cayaaro kubada cagta oo ku yaal bariga Afghanistaan.

Weerarkaan ayaa yimid xilli garoonka ay ka socotay bandhig dhanka wax soo saarka beeraha,iyadoo dhanka kale ay ku dhaawacmeen 31 ruux sida ay sheegeen saraakiil ka Tirsan Dowlada.

Magaalada Lashkar Gah oo caasimada ah u gobolka Helmand ayaa waxaa ku sugnaa in ka badan kun ruux kuwaasi oo u dabaal degayay maalinta beeraha.

Website-ka maxaliga ah ee TOLO news ayaa qoray in Mohammad Khan Nusrat oo ahaa madaxii dhanka dhaqaalaha ee gobolka Helmand uu ku geeriyooday Weerar-kaan.

Kooxda Talibaan ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkaan waxaana ay sheegeen in aysan Jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo Gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here