RW Khayre oo kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha Amisom iyo safiirada Caalamka u fadhiya Muqdisho.

0
637

RW Khayre oo kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha Amisom iyo safiirada Caalamka u fadhiya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka waxa Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisada.

Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay  Tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in Shabaab looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku suganyihiin.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in Shabaab ay sii dhibaateeyaan dalka, dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka Shabaab loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisada  looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo Shabaab.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aaday saacado kadib markii dowladda Somaliya ay soo afjartay weearkii Shabaab ay ku galeen dhismaha Wasaaraada Shaqada iyo Shaqaalaha Somaliya oo ku taala degmada Shangaani, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 11 ruux, sida ay sheegtay Aamin AMbullance.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here