Nin Dhiiggiisu Uu Isku Bedelay Caano Gudaha Jarmalka!

0
1093

Nin Dhiiggiisu Uu Isku Bedelay Caano Gudaha Jarmalka!

Nin Jarmalka u dhashay ayaa dhiiggiisu noqday mid adag oo muuqaalkiisu uu shabbaho caanaha, dufanka oo aad ugu badnaa darteed.

Dhakhaatiirtu waxey sheegeen dhiigga cad ee ninkani uu yeeshay in uu u geeriyoon karey xilli kasta, waxey ku daaweeyeen qaab hadda laga guuray oo sannooyin badan  ay ugu dambeysay in dadka lagu daaweeyo, wadadan oo kumanaan sano ka hor dadkii hore ay isku daweyn jireen waa sida uu qoray weybsiteka “Sciencealert” ee cilmiga ka hadla.

Bukaankan ayaa la geeyay qolka gurmadka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Jarmalka, waxa uu qabay cudurka sonkorta, waxaanuu ku sugnaa xaalad aan wanaagsaneyn, dhakhaatiirtu waxa uu u sheegay inuu dawakhaad, matag iyo madax xanuun saa’id ah uu dareemayo, daawada sonkorwoga haya aanuu si joogto ah u qaadan.

Markii bukaanka baaritaanno kala duwan la mariyay si wanaagsanna loo baaray, waxaa caddaatay in uu la dhibaatoonayo dufanka Triglycerides uu jirkiisa aad ugu  badan yahay, xadkii dabiiciga aheydna uu dhaafsiisan yahay 28-jeer.

Dhakhaatiirtu bilowgii hore waxey nadiifiyeen dhiiggiisa, waxeyna ka suuliyeen dufanka Triglycerides iyo waxyaabo kale oo sun ah, waxeyna dib ugu soo celiyeen dhiiggii nadiifta ahaa jirkiisa, laakiin qalabkii dhiigga lagu nadiifinayay ayaa labo jeer is awday adayga dhiiggiisa darteed.

Dhakhaatiirtu hal litir oo dhiiggiisa ka mid ah ayey ka shubeen, waxeyna ku bedeleen dhiigga qof kale oo caafimaad qaba oo si mutadacnimo ah loogu miiray.

Caafimaadka bukaanka ayaa soo hagaagtay labo maalmood kadib markii dhiigiisa la bedelay, 5 maalmood kadib ayey hadana mar kale dhiigiisa nadiifiyeen, markaa kadib xaaladdiisa wey xasishay, tubbooyinkii uu ku neefsnayayna wey ka joojiyeen, maadama xaaladdiisa caafimaad ay soo hagaagtay.

Daaweyntan ay dhakhaatiirtu u sameeyeen ayaa la aaminsan yahay in masaaridii hore ay dadka ku daaweyn jireen 3000 kun oo sano ka hor, xilli xilliyada ka mid ahna waxey ahayd wadada ugu shaacsan ee dadka lagu daaweeyo.

A Man’s Blood Turned So Thick And White, It Almost Killed Him

Doctors had to resort to bloodletting.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here