Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ku sii jeeday Kenya oo bur burtay

0
1098

Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ku sii jeeday Kenya oo bur burtay

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay diyaarad saaka ka baxday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kuna sii jeeday dalka Kenya inay bur burtay.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa 149 ruux oo rakaab ah & sideed ruux oo Shaqaale ah, islamarkaana waxaa la sheegayaa inay ku bur burtay xuduuda labada dal.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid dadkii saarnaa diyaaradaasi oo aanan la ogeyn gabi ahaanba inay dhinteen.

Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa qoreysa in diyaarada ay bur burtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here