Kun askari oo ka mid Ciidamada Burundi oo ka baxaya deeganada Hirshabelle

0
665

Kun askari oo ka mid Ciidamada Burundi oo ka baxaya deeganada Hirshabelle

Maamulka Hirshabelle ayaa walaac xooggan ka muujinaya Ciidamada Burundi oo Bishan dabayaaqadeeda ka baxaya deegaano badan oo ka tirsan Hirshabelle.

Midowga Afrika ayaa horay u go’aamiyay in 28-ka Bishan Ciidamada Burundi Kun askari oo ka mid ah ay ka baxaan Somaliya.

Wasiirka Amniga Hirshabelle C/qaadir Jeelle ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin ciidamada Burundi ee ka baxaya deeganada Hirshabelle, wuxuuna arrintaasi la wadaagay Senatarada ka soo jeeda Hirshabelle ee Dowladda ku jira.

28-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in Hir-Shabeelle laga saaro 1,000 askari oo ka socda Dalka Burundi kana howlgala Cadale, Xaaji Cali iyo Raage Ceele oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in arrintaan ay ku noqotay Uur ku taallo, sidaas awgeed Golaha Aqalka sare ay ugu soo bandhigeen in ay la socdaan.

Haddii aan Ciidan loo helin deeganada Hirshabelle waxaa suuragal ah in Shabaab ay qabsadaan dhamaan deeganada ay ka baxaan Ciidamada Burundi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here