Doorka dhalinyartu ku leedahay horumarka dalka

0
519

Doorka dhalinyartu ku leedahay horumarka dalka

Hordhac
 Qeexiyada erayga
i. Horumar
ii. Dhalinyaro
 Waajibaadka saran dhalinyarta
 Doorka Da’yarta ee Horumarka dalka
Horumar:- waa kobaca talaabo talaabada ah ee cid gaari ay samayso, waa helitaanka nolol dhaanta ta hadda uu qof ama bulsho ku sugantahay
Dhallimyarnimo: Dhalinyarnimadu waa qayb ka mid ah nolosha waana qaybta ugu muhiimsan uguna qiimaha iyo qaayaha badan bani aadamka. Dhallinyarnimadu cabir ahaan waa da’ada u dhaxaysa 15-35 jirka, dadka qaarna waxaabay gaadsiiyaan ilaa 40 jirka.
Waqtiga dhalinyarnimada qofku wuxuu koobsadaa fursado uusan markale heleynin. dhalinyaranimada ayaa lagu tilmaama in ay tahay xiliga qofku uu haysto fursada ugu qaalisan ee noloshiisa, waa tan koowaade in uu yahay xiliga uu ugu caafimaad badan yahay, uguna caqli iyo cudud wanagsan yahay haystana waqti ku filan, ahna qeybta ugu xooga badan bulshada.
Dhalinyaradu waa xooga ugu fir fircoon ee ummad walibaa leedahay, waana muraayada kaliya ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn doonto mustaqbalka, oo hadii ay kaalintoodu tahay karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono, maadama ay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo dadkooda meel gaadhsiin kara.
marka laga hadlayo nolol iyo arimaha la xariira waxaan marnaba laga tagi Karin kaalinta dhalinyaradu ku leyihiin ama saamaynta ay ku yeelan karaan nolasha dabiiciga ah waayo waxaa la aaminsanyahay in dhalintu ay tahay kuwa hormuudka u ah deegaan kasta oo ay nololi ka jirto waana kuwa loo soo qaato tilmaaha uu leeyahay wadan kasta oo horumar sameyay, laakiin arintaasi waxaan fahamsanayn in badan oo ka mid ah dhalinta maanta jirta doorka ay ku leeyihiin iyo kaalinta ay ka gaysan karaan noloshooda iyo midda deegaankooda waxaadna moodaa in hagaajinta mustaqbalkooda ay tahay mid u taala duul ama dad kale taasina wa fikir ama malo ka fog caqliga nadiifka ee bini aadamka. Haddii aynu tusaale u soo qaadano rasuulkeennii suubana (NNKH) waxa uu yidhi waxa ii gargaartay dhalinyaro. Hadaba doorka ay dhalinyartu ku leedahay horumarka ummadeed waa mid aan la qiyaasi Karin.
Hadaba hadii aan ka hadalno aduunyada horumartay waa kuwa si wayn ugu tashada barbaartoodu hadba sida ay u soo saanqaadaan iyo fikirka ay aaminsanyihiin ayagoo mar walbana xooga saara sidii ay uga dhisi lahaayeen ubadkooda fikirka aasasiga ah ee nalosha taasina waxay keenntaa in ay soo baxaan dad ku tashada sidii ay u maareyn lahaayeen noloshooda mustaqbalka fog.
Waajibaadka Saaran Dhalinyarada( Responsibilities)
Waajibaadka saran dhalinyaradu waa mid aan la soo koobi Karin hase ahaatee waxa aan halku ku xusi doonaa lix qodob oo aad u muhiim ah:-
1. Waa inuu hami adduun iyo mid aakhiro leeyahay, Alle ka cabsina laga helo, lana yimaad cibaado suuban iyo camal wanaagsan, markastana uu yahay qof Alle ku xidhan, kuna dadaala kolba wixii uu fursad Ilaahay u siiyey,(waxbarasho, shaqo iyo tan ugu muhiimsan oo ah cibaadada Alle ).
2. Waa inay ka go’antahay siduu wax ugu tari una hormarin lahaa bulshadiisa, kana qaybqaataa horumarka bulshada isaga oo uga qaybqaadanaya Maskax, Muruq iyo Maal intaba. Waa inuu ku fekara maxaad bulshadaada u qaban kartaa kuna soo kordhin kartaa, oo aanu ka fikirin muxuu wadan kaagu kuu qabtay, kana dhex muuqdaa wax qabadka bulshadaada.
3. Waa inay la weyntahay talada waalidkiisa/ehelkiisa/waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu kordhinayaan. Niyadana ku haya ciddii soo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.
4. Waa inuusan u qaban waxa uu qabanayo Hebel baa qabte adna qabo, lkn waa inay tahay wax isaga ka go’an oo naftiisa iyo Dadkiisaba anfacaya. Si aad u noqoto qof bulshada wax wayn u taraya waxna ku soo kordhiya.
5. Ogow inaad tahay qof xilka u weyn ee la saarey uu yahay inuu waxbarto, Dadaalo, Shaqeeyo kuna hamiyo si uu naftiisa iyo dadkiisaba u anfaci lahaa, ugana midho dhaliyo kharashkii iyo tacabkii la galiyay heerna u gaarsiiyo bulshadiisa.
6. Ogow in waajib kaa saaran yahay wax qabadka dhulkii iyo Deegaankii aad ku soo barbaartay waxna ku baratay. Mana ah mid halkan lagu soo koobi karo.
Hadaba dhalinyaroy markaan usoo laabano sida uu xaalkeenu yahay xaqiiqdii waxaa muuqata dib u dhac iyo habacsanaan. war miyaanan awoodin inaan maanta meel kasoo wada jeesano oo an qaybsanaanta iyo kala qoqobnaanta ka gudubno, oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano, oo aan u midowno sidii aan Garab iyo Gaashaan ugu noqon laheyn bulshadeena, diinteena, dadkeena iyo dalkeenaba, Diifta iyo Jahliga ka muuqdana an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena, Aan ku dayano asaageen oo maanta tiiksaday inay dayaxa tagaan, oo ka tashaday masiirkooda iyo aayahooda.

Doorka Da’yarta ee Horumarka Dalka(the role of youth in nation development)
Tamarta(energy) ugu badan ee dalkeena waa da’yar, aqoon iyo aragti togan leh , ka qayb qaadashada horumarka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadu waa tan keliya ee dhalin karta is bedel quman iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xorriyadeed. Marka loo eego da’yartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is bedelada ku keenay.
Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale hadii ay ahaan lahayd xaalad dagaal iyo mid nabad galyoba.
Intaas aan soo sheegay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhalinyarada ah uu u dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.
Da’yartu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinaya inay sida ugu munaasibsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qaybqataan horumarka iyo siyaasadda, hadii aan isku dayo inaan wax ka bidhaamiyo fursadaha ay haystaan waxaan kusoo koobi karaa:
1. Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed(physical strength) iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynaysa inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.
2. Siyaassaddu(policy) waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo ururo kala gadisan, xiligaas ay marayaan awgeed dhalinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen kooxo kooxo iyo isbahaysi.
3. Dhalintu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo isbadalka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda(technology) iyo cilmigaba, taasina waxay u suurto galinaysaa inuu noqdo qof wacyi leh kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.
4. Xamaasadda(entheasm) ku jira dhalinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.
Guntii iyo gabagabadii da’yartu waa hogaamiyaha,hagaajiyaha bulshadani hibanayso iyo halyeyga dalkani u baahi qabo, muhiimad xoogan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasada ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummadooda.
W.Q: Aqoonyahan: Xamse Cabdi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here