Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo Al-Sisi oo loo doortay Guddoomiyaha…

0
593

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta la soo gaba gabeynayo iyo Al-Sisi oo loo doortay Guddoomiyaha…

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta la filayaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Ururka Midowga Afrika.

Shirkan oo shalay furmay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, qaxootiga, suuqa xorta iyo Iskaashiga guud ee ka dhaxeeya Afrika.

Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Sisi ayaa loo doortay Guddoomiyaha sanadlaha ee hoggaamin doona Ururka Midowga Afrika, waxaa uu xilkaas kala wareegay dhiggiisa Rwanda.

Khudbado ay shirka ka jeediyeen Madaxda Afrikaanka ayay uga hadleen iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo in meel looga soo wada jirto falalka amni darada.

Madaxweynaha Masar Al-Sisi oo xukunka la wareegay ayaa shirka ka sheegay muhiimadda dhanka Amniga iyo sida Qaaradda Afrika uga gudbi karto amni darada iyo falalka argagixisada ay geysan karaan, taasoo looga hortagi karo in la ciribtiro argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here