Afar qof oo loo xiray ‘shirqool ‘ ka dhan ah Muslimiinta New York

0
527

Afar qof oo loo xiray ‘shirqool ‘ ka dhan ah Muslimiinta New York

Saddex nin iyo wiil yar oo laga soo qabtay magaalada New York ayaa la xiray waxaan lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay weerar bambaano ku qaadaan Muslimiinta. Booliiska ayaa ku eedeeyay raggaasi inay haysteen hub.

Qorshahan ayaa lagu ogaaday baaritaan kale oo halkaasi laga sameynayay.

Afarta qof ee la xiray ayaa looga shakiyay laguna eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar ay ku qadaaan dadka muslimimnta ee ku nool Islamberg oo ku taalla agagaarka magaalada New York.

Baarayaasha ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen dhowr goobood oo lala xiriiriyay in laga soo maleegayay shirqoolkan halkaasi oo laga soo helay bambaanooyiin nooca guriyaha lagu sameeyo.

Hubka la helay waxaa ka mid ah 3 bambaano oo ah nooca guriya lagu sameeyo.

Patrick Phelan,oo ka tirsan waaxda booliiska ee Greece ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay rasaas.

Golaha ay ku bahoobeen muslimiinta Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqeen laamaha ammaanka in kiiska shaqsiyaadkan uu noqdo mid heer fedaraal ah.

Dhanka kale Waaxda duulimaadyada ee fedaraalka ayaa waxay sheegeen in la joojiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Newark ka dib markii diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ee dronis-ka lagu arkay garoon yar oo halkasi ku dhaw.

Duuliye waday diyaarad meel u dhaw garoonka ayaa u sheegay waaxda diyaaradaha haga in mid ka mid ah diyaaradahaasi daroonis-ka ay diyaaradiisa u so jirsatay 10 mitir.

Garoonka Newark ayaa ah mid ka mid ah garoomada u adeega magaalada New York iyo nawaaxigeeda.

Howlihii garoonka ayaa dib u soo cusboonaaday ka dib 90 daqiiqo oo hakad la galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here