Deganaansho la’aan siyaasadeed oo ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
593

Deganaansho la’aan siyaasadeed oo ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida

Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa saaka inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Mustafe markii uu Jigjiga ku soo laabtay ayuu la shiray golihiisa wasiirrada Dowlad Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale caqabadaha uu wajahay ka mid ahaa sidii caddaaladd loogu heli lahaa dhibbanayaasha la sheegay inay tacaddiyo kala kulmeen maamulkii hore.

Madaxweyne Mustafa ayaa waxaa xilka madaxtinnimada dowlad deegaanka loo doortay 22-kii August sanadkii 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here