Mucaaradka Zimbabwe oo shuruudo ku xiray wadahadal ay la yeeshaan dowladda

0
553

Mucaaradka Zimbabwe oo shuruudo ku xiray wadahadal ay la yeeshaan dowladda

Dalka Zimbabwe waxaa muddo toddobaad ah ka socday dibaxyo ay ka dhasheen dhimashada ugu yaraan 5 qof.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay in ay si xun ula tacaaleen oo ay dhibaateeyeen dibadbaxayaasha.

Madaxwayne Emmerson Mnangagwa ayaa imika ku baqay in wadaxaajood qaran la isugu yimaado.

Balse mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa waxa ay shuruud ku xireen wadahadalo ay la galaan dowladda.

Saraakiisha mucaaradka ayaa waxa ay sheegeen in wadahadlada ka hor ay dowladda soo afjarto dhibatada iyo aragagaxa ay sheegeen in laamaaha ammaanka ay wadaan.

Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sidoo kale dalbaday in sharaxaad laga bixiyo waxyaabaha laga wadaxaajoonayo.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee MDC, Nelson Chamisa oo ka jawaabayay dalabka madaxwayne Mnangagwa ayaa BBC uu sheegay in loo baahn yahay in la helo faahfaahin ku saabsan wadahadalada ay dowladda dalbatay.

Nelson Chamisa ayaa ku baaqay loo baahan yahay in la soo afjaro ku tumashada iyo tacadaiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Hadalka Mucaaradka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu madaxwaynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa uu ku baaqay in dhamaan dhinacyada ay qusayso arrintan ay wadaxaajood qaran isugu yimadaan.

Dalka Zimbabwe ayaa waxa muddo toddobaad ah ka socday dibadbaxyo ay dadka kaga cabanayeen qiimaha maciishada iyo shidalka oo aad u sareya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here