Madaxweynaha Iran oo Mareykanka ku tilmaamay Argagixisada kobaca dhaqaalaha

0
539

Madaxweynaha Iran oo Mareykanka ku tilmaamay Argagixisada kobaca dhaqaalaha

Madaxweynaha dalka Iran Mr Xasan Ruuxaani ayaa cambaarey go,aanka madaxweyne Donald Trump uu cunaqabateynta ku saaray Tehran oo uu ugu yeeray argagixisada dhaqaalaha.

Isaga oo ka hadlayay shirka nabed gelyada gobolka oo lagu qabtay magaalada caasimada u ah Iran ayuu sheegay in dareenka Mareykanka uu ka qabo Iran ay cadeyn u tahay Arintaan.

Ruuxaani ayaa dhanka kale ku tilmaamay cunaqabateynta Washington sharci daro iyo daandaaansi ka dhan ah Iran.

Kulanka looga hadlay arimaha amniga oo lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Tehran ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socota wadamada Turkiga shiinaha Afghanistan Pakistan ruushka iyo dalka marti galiyay ee Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkaan laashay heshiiskii wadamada quwadaha ay la gaareen Iran kaasi oo quseeyay arimaha Nuclear-ka.

Trump ayaa dhanka kale cunaqabateyn dhaqaale saaray wax soo saarka Iiraan ee loo iibgeeyo dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here