“Wax Dhici Kara Maaha Qardho Ayaan Ka Soo Duulayaa Oo Dhibaataan Geysanayaa…” Siyaasi Reer Sanaag Ah Oo Farriin U Diray Kornayl Caarre

0
589

“Wax Dhici Kara Maaha Qardho Ayaan Ka Soo Duulayaa Oo Dhibaataan Geysanayaa…” Siyaasi Reer Sanaag Ah Oo Farriin U Diray Kornayl Caarre

Siyaasi Cali Baashe Xaaji Maxamuud, oo ka mida siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Sanaag, ayaa sheegay in aanay shacabka Sanaag taageersanayn falalka amni darrada ah ee ay kooxda kornayl Caare ka gaystaan degaamo ka tirsan gobolkaasi.

Waxaanu sheegay in kooxdaas ka soo duusha Qardho ay tahay koox gaara, isla markaana ficiladda ka soo yeedhayaa aanay ahayn kuwo la qaadan karo, wax dan ahna aanay ugu jirin shacabka gobolka Sanaag.

Siyaasi Cali Baashe, ayaa sidoo kale uga digay kooxda Caarre in haddii ay joojiyaan waayaan waxyaabaha ay aloosayaan in shacabka Sanaag aanay marnaba aqbalaynin in degaamadoodda dhibaato laga gaysto, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gobolkan Sanaag waxa uu nasiib u yeeshay, magacyadda la kala sheegto ee beelaha ama haybaha ah, in ay wada degaan. Waana gobolka laga heli karo beelaha reer Somaliland oo dhan in ay degan yihiin.

Mar haddii gobolkan Sanaag uu taas nasiib u yeeshay, ayaamahan koox baa jirtay ka soo socdaashay meel fog oo Qardho la yidhaahdo. Kooxdaas waxaad moodaa in aanay ahayn mid reer Sanaag ay u dhan yihiin. Waana koox gaar ah oo dadka degan gobolka Sanaag ka mid ah. Qoladaas ka soo duushay Qardho ee mararka qaar yimaadda tuulooyinka gobolka Sanaag ka tirsan, wax dan ahi kuma jiraan, wax la qaadan kara-na ma aha.”

Siyaasi Cali Baashe waxa uu sheegay in loo baahan yahay wada-hadal lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee jirta balse aanay xal ahayn colaad in la abuuro, waxaanu yidhi “Nabad iyo wadahadal in lagu dhameeyo ayay ku qurux badan tahay. Ilaa hada, waxaanu arrintaa u daynay haddii aanu shacabka reer Sanaag nahay dawladda Somaliland iyo nimankaasi ay wadahadlaan”

Cali Baashe oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Ceerigaabo, ayaa farriin u dirayay kooxda Caarre, waxa uu yidhi “Haddii se taas la waayo, suurtagal ma aha inta qiblo laga soo duulo oo degaamo la soo maro, in meel ka tirsan gobolkan Sanaag la weerarro, taasi suurogal noqon mayso, ee dadku way ilaashanayaan degaankoodda.

Laakiin, wax dhici kara ma aha, Qardho ayaan ka soo duulayaa, oo dhibaato ayaan gaysanayaa, hadda na meeshii ayaan marayaa. Adeer, Sanaag waxaa loo soo maray nabadeedda waddo dheer. Nimankaa waxaan odhan lahaa waxaa aad waddaan Somaliland danni uguma jirto”.

Geesta kale Cali Baashe, waxa uu ka hadlay safarkii madaxweynaha Somaliland dhawaan ku soo maray goboladda bari ee dalka, colaad beeleedyadii ka kala dhacay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag iyo degaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sanaag.

Siyaasi Cali Baashe Xaaji Maxamuud, oo ka hadlayay safarkii madaxweyne Muuse Biixi ee goboladda bariga waxa uu yidhi “Madaxweynaha dadkii doortay iyo kuwii aan dooran ba si sharaf leh ayay u soo dhaweeyeen. Si midnimo ku jirto ayaa na loo soo dhaweeyay. Wuxuu nasiib u yeeshay shacabkiisii in uu ka hello kalsooni buuxda, oo ay ku kalsoon yihiin sida uu siyaasadda u daadihinayo iyo barnaamijkiisa siyaasadeed oo uu hore u sii sheegay intii uu tartanka ku jiray.

Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadku sharaftii iyo midnimadii ay muujiyeen guud ahaan ba goboladii uu madaxweynuhu soo maray”.

Dhinaca kale Cali Baashe Xaaji Maxamuud, ayaa ka hadlay colaadihii beelaha ee ka dhacay deegaannada Dhumay iyo Ceel-Afweyn, waxaanu u mahad celiyay xukuumadda Somaliland iyo dhamaanba ergooyinkii kala duwanaa ee deminta colaad beelaadyadaasi ka qayb qaatay.

“Waxaan doonayaa in aan aad u bogaadiyo waxgaradka reer Somaliland ee isku hawlay xal u raadinta shaqaaqooyinkii ka dhacay goboladda bari, sida degmadda Taleex ee gobolka Xaysimo.

Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Ceel-Afweyn odayaashii rug-cadaaga ahaa ee fadhiistay shaqaaqadii dhexmartay labadda beelood ee walaalaha ah, ee ehelka, ee wada degan, ee xukuumad lahaa, guurti lahaa, ee waxgarad lahaa, ee culimaw-diin lahaa.

Waxa kale oo aan aad ugu mahad celinayaa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, oo iyagu-na shaqaaqadii ka dhacday koonfurta gobolka Sool u biyaystay, oo ku dhexdhexaadinaya xagga magaaladda Jig-jiga”ayuu yidhi siyaasi Cali Baashe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here