Madaxweyne Muuse Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay Iyo Afhayeenkiisa Oo Ka Hadlay Kulamo Uu Gabiley Iyo Boorama Ku Qaatay

0
770

Hargeysa(DN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ku tagay gobolada Awdal iyo Gabiley.Afhayeenka madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa ka war bixiyey ujeedada safarka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tagay gobolada Galbeedka, waxaanu yidhi “Ujeedada safarkani waxay daaranayd u xogogaal noqoshada xaaladaha iyo duruufaha ku gadaaman gobolada Galbeedka isaga oo u hoyday caasimada Gabiley iyo Awdal, mudadii uu joogayna waxa uu kulamo isdaba joog ah la qaadanayey laamaha dawlada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeedadoodu daarnayd in lagu darso hawlaha horu marineed ee ka socda gobolada galbeedkasomaliland, waxaanu madaxweynuhu xog waraysi la yeelanayey dadkii kala duwanaa ee uu la kulmay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here