Heshiis Taariikhiya Oo Jabhada OLF Iyo Dawlada Itoobiya Ku Gaadheen Caasimada Eritrea Iyo Madaxwayne Isais Afwerke Oo Goobjoog Ahaa

0
664

Heshiis Taariikhiya Oo Jabhada OLF Iyo Dawlada Itoobiya Ku Gaadheen Caasimada Eritrea Iyo Madaxwayne Isais Afwerke Oo Goobjoog Ahaa

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa shaaciyey in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya. Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya.

Waxaa heshiiska dhinaca Itoobiya u saxiixay madaxweynaha dowlad Degaanka Oromada, halka uu Jabhadda Oromada ee OLF u saxiixay Guddoomiyaha Jabhadaasi Dawd Ibsa, waxana heshiiska qeyb ah, xabad joojin, in OLF ay noqoto xisbi siyaasadeed oo si nabad ah dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed u wata gudaha Itoobiya iyo inay labada dhinac sameeyaan Guddi wadajir ah. Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa ka qeyb qaatay wadahadalka.

Oromo Liberation Front (OLF) ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa. Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Axmad uu la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here