Maxaa ka jira in saakay weerar lagu qaaday Iiraan?

0
21

Wararka laga helayo dalka Iran ayaa sheegay in goor hore oo saakay ah weerar loo adeegsadey gantaalada rida dheer lagu qaadday bartilmaamedyo ku yaal dalka Iran, kaas oo loo aaneynayo Isra’il oomaalmahan ku gooddineysey in ay jawaab ka bixin doonto weerarro Iran uga yimid Sabtidii hore.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in qarax weyn laga maqlay agagaarka magaalada Isfahan. Gobolka Isfahan

waxaa ku yaal saldhig weyn oo dhanka cirka ah, xarun weyn oo laga sameeyo gantaalada iyo goobo badan oo xarumo Nukliyeer ah.

Dowladaha Iran iyo Isra’il middoodna weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkan, sidoo kalerna illaa hadda lama oga khasaarahaka dhashay.

Duqeynta Isra’il ay saaka ka fulusey dalka Iran iyo sidoo kale goobo ku yaal dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ayaa u muuqda mid looga jawaaabayo weerarradii Sabtidii hore Iran kumagmaagtay Isra’il, ku was oo loo adeegsaday gantaallada iyo diyaaradaha iswada.

Dowladda Iran oo horay ugu sii toogheysey weerarka ku soo wajahan ayaa goor hore sii xiratay hawada magaalooyinka waa weyn ee dalkaas.

Warkan oo weli isa soo taraya wixii ku soo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonnaa.

Isha: BBC SOMALI