Madaxweyne Biden oo ka cabsi qaba weerar Iran ku qaado Isra’il Digniin adagna diray

0
25

Madaxweyne Biden oo ka cabsi qaba weerar Iran ku qaado Isra’il Digniin adagna diray

Dowladda Iran ayaa qorsheeneysa weerar culus oo aargoosi ah oo ay ku qaado Israa’iil, kaddib weerar saraakiil sar sare oo katirsanaa Kacaanka Iran lagu dilay oo Israa’iil ka fulisay qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda Syria.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay filayaan in Iran weerar aargudasho dhaqso ah ay ku qaado Isra’il, waxa uuna Iran uga digay Joe Biden fulinta weerar aargoosi oo ka dhan ah Israa’iil.

Joe Biden ayaana sheegay in Mareykanka diyaar u yahay in Israa’iil ka difaaco weerar kasto oo Iran ku qaado, waxa uuna uga digay Iran in weerar ku qaado Isra’iil, isaga oo garab istaag u muujiyay maamulka yahuuda.

“Ha samaynina. Waxaan u heellannahay difaaca Israa’iil, waxaan taageeri doonnaa Israa’iil, waxaan gacan weyn ka geysan doonaa difaaca Israa’iil, Iranna ma guulaysan doonto.” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Dowladda Iran ayaa ku hanjabtaya in ay qaadi doonto weeraro aargudasho ah oo ka dhan ah Israa’iil, waxaana jira walaac xooggan oo laga qabo nuuca weerar ay Iran ku qaadi doonto dhinaca Isra’il.