Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadal heynta badan ka dhalisay dalka Sweden ?

0
35

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadal heynta badan ka dhalisay dalka Sweden ?
By Cabdi Cade -April 11, 2024
Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda.

Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka ol’oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas.

Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya “waxa dhabta ah ee Islaamku yahay”, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta internet-ka.

Arrintan ayaa hadal hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida ee qurba joogta.

Eadaymaha uu usoo jeediyay Bilan ninkan oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ka mid ah in ay bahisay xogta ilwareed loo baahnaa in la qariyo.

“Duubis sir ah waxay ugu yaraan Bilan Cusmaan muujisay xogta ilwareedka Expo ee dhaqdhaqaaqa taageersan Sweden”, tan oo ah ayuu yiri “dembi lagu mutaysan karo xabsi”.

Hadalka ninka ka dib, Bilan ayaa barteeda Twitter soo dhigtay qoraal taxane ah oo ay isku difaacayso kagana jawaabayso waxa uu sheegay ninkaasi.

“Qaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo aniga igu saabsan oo ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaya mid cunsuriyiinta midigta xagjirka ah ka tirsan, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Qur’aanka Kariimka laba sano ka hor, waxaan xiriir la lahaa labo sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo qoyskayga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaas” ayey ku bilowday qoraalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Bilan waxay sheegtay nooca xiriirka ee ay la lahayd ninkan in uu ahaa mid saxafinimo ee uusan ahayn mid jacayl.

Waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaynaysay kooxaha midigta fog ee ninkani ka tirsan yahay sidaas darteedna uu ka mid ahaa dad ay xiriir la samaysay isla markaana ay “xoogaa naxariis ah” u muujisay si ay u dhex gasho.

Bilan waxay magaalada Goteborg ee dalka Sweden ugu dhalatay waalidiin ka yimid Soomaaliya. Waxay ahayd bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay iyo dhaqdhaqaaqe, waxayna ku soo barbaartay magaalada Partille.

Awoowgeed oo dhalay aabbaheed, oo lagu magacaabo Nuur Cusmaan, wuxuu ahaa gabyaa. Waxay saxaafadda ka baratay dugsiga saree e Bona Folk.

Bilan waxa ay wax ku qori jirtay sannadihii 2018 iyo 2019 wargeysyada Svenska Dagbladet iyo Expressen. Waxay sidoo kale maqllo ra’yi ah u qortay daabacado kale oo Iswidhish ah, oo ay ku jirto majaladda Opulens. Muddo siddeed sano ah oo ka bilaabmaysa 2013, shaqadeeda aasaasiga ahi waxay ahayd bare socdaal oo ah aasaaska bandhigga ka hortagga cunsuriyadda. Kadib waxa ay ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association.

Intii ay ku jirtay saxaafadda waxay maqaallo badan ka qortay cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, waxaana ka mid ah maqaal ay ciwaan uga dhigta ‘Hadda waxay si lama filaan ah u noqotay in laga hadlo Islaam-nacaybka”.

Sannadkii 2013, Bilan waxa ay ka mid ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan kadib haweeney uur leh oo uu nin ka soo horjeeday xijaabka Stockholm ku weeraray. Waxay markaas sheegtay in kooxdu ay doonayso in xijaabku caadi ka noqdo Sweden.

Iyada oo ka jawaabaysa dilkii George Floyd iyo dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee Maraykanka, Bilan Cusmaan waxay sheegtay in ay rabtay “in ay bilowdo wadahadal ku saabsan caddaannimada” gudaha Sweden. Waxay ka hadashaa xagjirnimada garabka midig waxaana lagu eedeeyay xagjirnimada garabka bidix; horraantii 2024 qoraal Facebook ah oo ay ku muujisay xanaaqa dadka cadaanka ah ayaa horseeday dhaleeceyn.

Sanna