Carruurta Gaza ku nool oo jirkooda lagu qorayo Magacyadooda si loo aqoonsado haddii ay ku dhacdo duqeynta Israaiil!

0
83

Carruurta Gaza ku nool oo jirkooda lagu qorayo Magacyadooda si loo aqoonsado haddii ay ku dhacdo duqeynta Israaiil!

Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin oo duqeyn xooggan ay ku garaacayaan Ciidanka Yuhuudda isla markaana ay ku dhinteen kumaan ruux oo carruur, Haween & Dad da’ ah u badan waxaa ka billowday in Carruurta jirkooda qaybo badan oo kamid ah lagu qoro magacyadooda si loo helo haddii duqeynta haleesho.

Qoysas badan ayaa carruurtooda magacyadooda ku qoray jirkooda qaybo kala duwan sida Gacmaha, Qoorta, Lugaha iyo Cajirka si marka maydadka carruurtaas looga soo qaado goobaha ay duqeynta Arxan-darrada ah ka geystaan Yuhuudda loo aqoonsado.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii goobaha la dhigo Dadka kusoo shahiiday duqeynta Yuhuudda la kala garan waayay iyada qaarkood xabaal-wadareed loo sameeyay maadaama la garan waayay sida ay kusoo warrameen guddiga howshaan u xilsaaran.

Mid kamid ah Carruurta oo waalidkiisa ka dalbanaya in magaciisa loogu qoro jirkiisa ayaa sheegay in saacad weliba ay haleeli karto duqeynta xad-dhaafka ah ee Israaiil ay ku xasuuqeyso Shacabka Falastiin gaar ahaan birimageedada.

Anas Xijaasi ayaa mid kamid ah carruuriisa u yeeray si uu magaciisa gacanta, lugta iyo qayb weliba oo jirkiisa ah wax lagu qori karo uu ugu qoro si haddii duqeyntu ugu dhacdo loo aqoonsado sida uu sheegay isaga oo tiiraanyo heysa.

Mid kamid ah howlwadeennada ka shaqeeya qaybta la isugu geeyo Maydka waa dadka ku dhintay duqeynta Gaza ayaa sheegay in ay arkeen Jirka Dad badan oo carruur ay ku jiraan oo aan la socon meelaha inta badan qofka laga aqoonsado.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa goobaha Caafimaadka la dhigay carruur dhaawac soo gaaray oo magacyadooda loogu qoray lugaha iyo gacmaha halka qaar kale oo ku dhintay duqeyntaas arxan-darrada ah ee Israaiil lagu arkay qabuuraha iyada oo jirkooda uu ku qoran yahay magacooda.

Duqeynta Israaiil ee aan loo meel-dayin waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 2055 Carruur halka dhaawaca carruur kale la dhigay Goobaha Caafimaadka, dhammaan waxa ay ku sugnaayeen guryahooda balse gantaallada culus ee Yuhuudda ayaa aqalkooda ugu tagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here