Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo Wiil dhallinyaro ah ku toogtay Magaalada Hargeysa

0
103

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo Wiil dhallinyaro ah ku toogtay Magaalada Hargeysa

Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa Magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Badacas ku dilay Wiil dhalinyaro ah kaas oo lagu magacaabi jiray Mustafa Ibraahim Abeeso.

Wiilka la dilay ayaa waxa ay walaalo ahaayeen Abwaankii caanka ahaa ee Cabdiraxman Abeeso, iyada oo Marxuumka u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii uu ku furay askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Somaliland.

Abwaan Abeeso oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Hadda ayaa nin askari ahi walaalkay Mustafe Abees uu xabad kaga dhuftay wadnaha hoostiisa, Walaalkey wuu geeriyooday Alle ha u naxariistee.”

Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco, ayaa sheegay in Askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, iyada oo markii dambe ciidamada Boolisku ku guulaysteen in ay soo qabtaan askariga dilka geystay.

Laamaha Ammaanka Hargeysa gaar ahaan Ciidama Booliska weli kama aysan hadlin dilka loo geystay Wiilkaan dhallinyarada ah, iyada oo aan weli la xaqiijin sababta rasmiga ee loo dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here