XAMAAS Oo Shuruud Ku Xidhay Siideynta 55 La-haystayaal Reer Galbeed Ah

0
99

XAMAAS Oo Shuruud Ku Xidhay Siideynta 55 La-haystayaal Reer Galbeed Ah

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inuu Fashil ku yimid qorshe shalay oo Isniin ahayd lagu sii dayn lahaa La-haystayaal Shisheeye ah oo Ururka XAMAAS gacanta ku hayaan.

Cadadkii shalay ee Wargeyska WSJ ayaa waxa lagu xusay inay Dagaalamayaasha XAMAAS shuruud ku xireen inay sii daayaan 55 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka La-haystayaasha lagu hayo magaalladda go’doonsan ee Qasa.

Ururka XAMAAS waxay dalbadeen shuruud ku aadan in Marinka Qasa la gaarsiiyo Shidaalka oo ay dadka Reer Falastiin baahi weyn u qabaan xilligan, inkastoo ay Maamulayaasha Israel horey u mamnuuceen in Shidaal loo gudbiyo magaalladda Qasa ee go’doonsan iyo guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa.

Dhinaca kale, Heshiiska lagu sii dayn lahaa La-haystayaasha oo dhamaantooda haysta Baasabooro aan ahayn kan Israel ayaa la filayey in shalay la soo gebegebeeyo iyo in lagu wareejiyo Saraakiisha Ururka Laanqeyrta Cas (ICRC) ee ku sugan magaallada Khaan Yoonis ee Koonfurta Qasa.

Shabakada Wararka Israel ee i24News ayaa qortay Xog ku aadan inay Diyaaradaha Dagaalka Israel si KMG ah shalay u joojiyeen Duqeymihii ay ku hayeen Qasa, si Koox ka socota Ururka Laanqeyrta Cas ee ICRC loogu oggolaado inay si nabad ah ku gaaraan Barta lagu wareejin lahaa La-haystayaasha ay Ururka XAMAAS sii dayn lahaayeen.

Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa inta badan dadaal ugu jira hawlaha Dhexdhexaadinta ee lagu sii daynayo La-haystayaasha ay Ururka XAMAAS ka soo qafaasheen gudaha Israel bishan October 7-dii.

Xalay waxaa la sii daayey La-haystayaal Haween u dhashay israel, halka bilowgii isbuucan la sii daayey Hooyo iyo gabadheeda oo Maraykan ah, kuwaasi oo dhamaantooda sababo dhinaca Aadminimada loo sii daayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here