Dib u dhac ku yimid howlgalkii dhulka ee Israa’iil ku geli laheyd Gaza

0
45

Warbixin uu qoray wargeyska The New York Times oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay kula talisay Israa’iil inay dib u dhigto duullaanka dhulka ee Qaza si waqti loo siiyo wadahadalka maxaabiista ay heyso Xamaas iyo u diyaar garowga weerar kasta oo ka dhan ah danaha Mareykanka ee gobolka.

Madaxa Pentagon-ka Lloyd Austin ayaa la kulmay saraakiisha Israel si uu ugala hadlo taageerada militari ee Israel iyo ciidamada Mareykanka ee loo dirayo gobolka, laakiin wuxuu sidoo kale ka hadlay soo celinta la haystayaasha oo ah mudnaanta koowaad,” ayaa lagu yiri warbixinta oo soo xiganeysa mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa Israa’iil waxa uu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo muhiim ah oo ay tahay in laga jawaabo ka hor duullaan kasta kuwaasoo ay ka mid yihiin cidda la wareegeysa Gaza dagaalka ka dib, waxa uu noqon doono saameynta howlgalka uu ku yeelan karo maxaabiista iyo cawaaqibka ka dhalan kara Israa’iil dagaalka Xamaas haddii ay soo gasho Xisbullah.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka ay sidoo kale walaac ka muujiyeen dadka rayidka ah ee lagu waxyeeleeyay Gaza iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Afar sarkaal oo ka tirsan difaaca Israa’iil ayaa sheegay in duullaanka dhulka uu si isdaba joog ah dib u dhac ku yimid, balse ma aysan garaneyn sababta ka dambeysa in dib loo dhigo.

Dib u dhaca ku yimid duulaanka ayaa sidoo kale ka tarjumaysa kala qeybsanaan sii kordheysa oo u dhaxeysa Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Yoav Gallant oo salka ku haya weerarka dhulka ah ee Gaza iyo saameynta ka dhalan karta.

Raadiyaha Israel ee ayaa sidoo kale xaqiijiyey arrintan, iyadoo wariye ka tirsan idaacada oo la yiraahdo Doron Kadosh uu ku qoray barta X ee horey u aheyd Twitter.

“Israa’iil ayaa ogolaatay in ay dib u dhigto weerarka dhulka ah si waqti loogu helo in ciidamo badan oo Maraykan ah ay yimaadaan Bariga Dhexe, sababtuna waxa ay tahay cabsida laga qabo weerarada sii kordhaya ee Iran iyo xulafadeeda gobolka.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegaya in tani aysan ahayn sababta kaliya ee ka dambeysa dib u dhigista duulaanka dhulka. Suurtagalnimada in wadahadal lagu sii daayo maxaabiista waa arrin kale oo Mareykanku maanka ku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here