Madaxweynaha Rwanda oo in ka badan 400 oo isugu jira Saraakiil & Askar ka ceyriyay shaqada

0
161

Madaxweynaha Rwanda oo in ka badan 400 oo isugu jira Saraakiil & Askar ka ceyriyay shaqada

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa bilaabay isku shaandheyn uu ku sameynayo ciidamada dalkiisa ka dib markii la magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhigga, taliyaha ciidamada iyo madaxa amniga gudaha.

Afhayeenka ciidamada Ronald Rvivanga ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in labo jeneraal oo muddo dheer xilka hayay, Major General Aloys Muganga iyo Brigadier General Francis Mutiganda, shaqada looga ceyriyay “anshax darro”.

“Sida sharcigu dhigayo, taasi waxa ay ka dhigan tahay in ay ku wareejiyaan agabka ciidan, ciidankana ay ka tagaan iyaga oo aan wax faa’iido ah ka helin waxa ay sameeyeen,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin.

“14 sarkaal oo kale ayaa sidoo kale la eryay in ka badan 200 oo kale,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada difaaca Rwanda.

Talaadadii, Kagame ayaa ku dhawaaqay isku shaandheyn uu ku sameeyay dhowr xarumood oo sarsare oo dhanka ammaanka ah, isaga oo aan sheegin sababta uu u dhaqaaqay. Wuxuu sheegay in Juvenal Marizamunda loo magacaabay Wasiirka gaashaandhigga, isaga oo bedelay Albert Murasira oo xilkan hayay tan iyo 2018-kii.

Marizamunda oo 58 jir ah ayaa hore u ahayd madaxa ciidanka asluubta ee Rwanda, waxa ay sidoo kale hore u soo noqotay ku xigeenka kormeeraha guud ee booliska.

Jeneraallada shaqada laga eryay, Muganga waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada makaaniska sanadka 2019, halka Mutiganda uu hayay xilka amniga dibadda ee NISS illaa Oktoobar 2018 markaas oo dib loogu yeeray xarunta RDF oo uu ku jiray door aan la cayimin, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Toddobaadkii hore, ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ku eedeeyay militariga Rwanda iyo jabhadda M23 in ay qorsheynayaan in ay weeraraan magaalada Goma ee bariga Congo. M23 ayaa qabsaday dhul badan oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Kivu tan iyo markii ay hubka qaateen dabayaaqadii 2021 ka dib sanado badan oo ay degenaayeen, iyada oo in ka badan hal milyan oo qof ay ku barakaceen dagaalka.

DRC ayaa marar badan ku eedaysay dalka ay dariska yihiin ee Rwanda in ay taageerto M23, eedeymahaas oo ay taageerayaan dhowr wadan oo reer galbeed ah iyo khubaro madax banaan oo Qaramada Midoobay ah, balse Kigali ayaa beenisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here