Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0
148

Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa aqalka looga arrimiyo ku qaabilay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo Muqdisho u yimid si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.


Kulanka Madaxweynaha iyo Garaadada Gobolka Sool
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada ee xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, illaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here