Mike Pence oo Xisbigiisa Jamhuuriga u gudbiyay in uu yahay musharrax Madaxweyne.

0
97
Former U.S. Vice President Mike Pence speaks at the Iowa Faith & Freedom Coalition Spring Kick-off in West Des Moines, Iowa, U.S. April 22, 2023. REUTERS/Eduardo Munoz

Mike Pence oo Xisbigiisa Jamhuuriga u gudbiyay in uu yahay musharrax Madaxweyne.

Mike Pence, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dalka Mareykanka ayaa isusoo sharaxay qabashada Xilka Madaxweynaha Dalkaas kaddib markii warqadda musharraxnimada uu u gudbiyay Xisbigiisa ee Jamhuuriga ah.

Pence ayaa kasoo hoos shaqeeyay Maamulkii Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump waxa uu hadda rabaa in uu tartan adag uu gudaha xisbigaas kula galo Isla Trump si uu u noqdo musharraxa xilka Madaxweynaha ku metalaya xisbigaas doorashada 2024.

Waxa uu rabaa in uu soo jiito codbixiyaasha aanay ku qanacsaneen Trump oo dhexda ka fadhiya mowjado siyaasadeed, fadeexooyin kala duwan oo qaarkood la xiriira dhinaca Jinsiga iyo qarinta warqado sir qaran ah oo guryihiisa uu dhigtay.

Trump weli waa musharrax iyada oo dacwad lagu soo oogay balse ma cadda in dacwaddaas ay ka reebi karto xilka uu ku haminayo in uu markale ka qabto Mareykanka gaar ahaan Doorashada dhaceysa sanadka 2024.

Mike Pence ayaa la filayaa inuu maalinta arbacada ah si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, taas oo ku beegan maalintii dhalashadiisa, isaga oo haatan ay da’diisu tahay 64 jir raba in uu ka faaiideysto culeyska saaran Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here