Koox hubeysan oo Dil iyo Afduub ka geysatay Dalka Nigeria.

0
134
A police vehicle drives out of the INEC office in Yola, in Adamawa State, ahead of the country's presidential election, in Yola, Nigeria February 15, 2019. REUTERS/Nyancho NwaNri

Koox hubeysan oo Dil iyo Afduub ka geysatay Dalka Nigeria.

Koox hubeysan ayaa dalka Nigeria ku dishay ugu yaraan 30 ruux halka ay ay afduubatay tiro carruur ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiil katirsan Ciidamada Booliiska Dalkaas oo dhacdadaan ka xog-warramay.

Illaa saddex Gobol oo ku yaalla dhinaca Waqooyi ee Dalka Nigria ayaa xaalad adag oo dhanka Amniga ah ka jirta iyada oo ay kordheen weerarada ka dhanka ah Dadka Shacabka, Shaqaalaha Dowladda iyo ciidamada ammaanka.

Kooxaha hubeysan ayaa afduubtay tiro carruur, haween iyo dad kale oo isugu jiro xoolo dhaqato & beeraley ayaa ku maqan gacantooda, saraakiisha ciidanka Booliiska ee saddexdaas gobol ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin raadinta kooxahaas.

Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan xogo ay heleen oo muujinaya raadka kooxaha hubeysan ee Gobollada dhaca Waqooyiga Dalka Nigeria ee afduubka iyo weerarka geystay.

Indhaha ayaa lagu wada hayaa waddanka Nigeria oo ay kusii kordheen qulqulatooyinka ka dhanka ah Rayidka iyo ciidamada ammaanka, Dad badan ayaa naftooda ula baxsaday deegaannada ay u arkaan in ay ku helayaan nabadgalyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here