Shacabka Turkiga oo maanta u dareeray Codeynta Doorashada indhaha lagu hayo.

0
272

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeray Codeynta Doorashada indhaha lagu hayo.

Shacabka Turkiga ayaa maanta u dareeray codeynta Doorashada Indhaha lagu wada hayo ee Dalkaas maadaama musharraxa Mucaaradka Kemal Kilicdaroglu uu wacad ku maray in uu soo afjarayo xukunka 20ka sanno jirsaday ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Doorashadaan waa mid muhiim u ah Shacabka Turkiga iyaga oo kala xulunaya cidda hoggaamin doonta muddada uu dhigayo Dastuurka Dalkaas, waxaa shalay soo dhammaaday ololaha Musharrixiiinta Mucaaradka & Xisbiga talada haya.

Yaa codeynaya?

60,697,000 (Lexdan Milyan, Lex boqol, sagaashan & todobo kun) oo ruux ayaa xaq u leh in ay ka codeeyaan 1,094 (Kun, sagaashan & afar) Degmo oo guud ahaan Dalka Turkiga ah waxaana la dhigay 191,000 (Boqol, sagaashan & koow kun) oo sanduuq.

Imisa Musharrax ayaa tartamaya?

4-Musharrax ayaa ku loolamaya kursiga Madaxweynaha Dalka Turkiga, musharrixiintu waxa ay gudbinayaan fariimo kala duwan oo ay ku dhiirrageliyaan taageerayaashooda si aanay uga niyad-jebin codbixinta.

Axsaabta Mucaaradka ayaa damacsan in ay mar uun dhinaca dhulka u dhigaan Xisbiga Talada Haya ee AK Parti oo 2016kii ka badbaaday isku day afgambi oo lagu sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

La soco wixii kasoo kordha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here