Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Suudaan & RSF oo ka dhacay Khartuum xilli maanta ay wadahadlayaan labada dhinac.

0
283

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Suudaan & RSF oo ka dhacay Khartuum xilli maanta ay wadahadlayaan labada dhinac.

Magaalada Khartuum waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Militariga iyo kuwa degdega ah ee RSF iyada oo maanta lagu wado in wadahadal u dhaxeeya labada dhinac uu ka furmo Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudiga.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in ay maqleen jug xooggan, rasaas dhinacyo kala duwan oo Magaalada Khartuum ah ka dhaceysa iyo uurrada (Qiic) cirka isku shareeray xaafado kamid ah Caasimadda Suudaan.

Kooxaha la socda xaaladda Suudaan ayaa ku warramay in ay adag tahay xakameynta xabbad-joojinta dhinacyada hubeysan ee ku dagaalamaya in dhan weliba uu dhinaca kale ka riixo Magaalada Khartuum.

Dhinacyadaan ayaa marar kala duwan waxa ay jebiyeen xabbad-joojin la kala dhex dhigay iyo mid ay ku dhawaaqeen, dhinac weliba oo eedeynta ugu weyn dusha ka saarayaa dhanka kale waxa ay saari keentay in welwel badan laga muujiyo.

Beesha Caalamka ayaa indhaha ku heysa xaaladda Jamhuuriyadda Suudaan & wadahadalka lagu wado in ay yeeshaan dhinacyadaan isku dhacooda billawday 15kii April 2023, marka la gaaro berri waxaa u buuxsamaya muddo bil ah.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here